GALKA XAJKA: Lixda ballanqaad ee sanadkan looga baxay Xujeeyda Somalia + Lacagta aan caadiga ahayn ee laga qaaday

0

(Hadalsame) 08 Luulyo 2023 – Galka Xajka Soomaalida 2023 – (6). Cabashada xujeydu soo gudbiyeen wexey ku urursantahay: Adeegyada guryaha, basaska, teendhooyinka, cuntada uma dhigmin lacagta laga qaaday ($4484.5) wadar ($52,244.425).

1) Guriga Makka, heshiisku wuxuu ahaa: 2km in aanu ka dheeraan, 9km baa la tegey, lacagta lagu kireeyey oo la yiri: SR2700 ama $720 iyo meesha uu ku yaal waa dhafoora qabad.

2) Gaadiid joogta ah lama helin, taxi baa lacagtii dhamaystay.

3) Mina iyo Carafa dad badan ayaa basas waayey oo lugeeyey, qaarkood xanuun la dhacay, qaarna la waayey, qaarna waagu ugu beryey.

4) Guryaha madiina waa lagu dhibtooday iyada oo $115 xaaji kasta laga shubay.

5) Saacado badan oo basaska garoonka geynaya ama ka qaadaya lagu rafaaday.

6) Tigidka diyaaradda waa qaalli ($1250) halka uuna waqtiyada kale ka badnayn $600-650, lana rabey xajka in uu ka yaraado maadaama xamlad tahay (charter) transitkii laga cararayeyna saacada ka badan basas lagu curqay (8 saac ilaa 10 saac) xujeyda qaar jed-mad ama mak-jed.

Wixii kale oo la tirsanayo waxaa lala wadaagi karaa cidda dawladdu baaritaanka cabashada xujeyda u xil saarto hantidhawr ama xeer ilaalin ama cid kale.

Waxaan filayaa xujeyda iyo shacabka soomaaliyeedba guud ahaan in ay Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ka mudanyihiin tixgelin cabashada laga sheegtay wasaaradda awqaafta sida ay wax u maamushay, in laga aamusana aaney ahayn. Tawfiiqda Allaha na waafajiyo.

W; Q: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media