Milkiilaha Meta oo dagaalkii 1-aad oo rasmi ah ku qaaday Elon Musk

0

(Hadalsame) 06 Luulyo 2023 – Shirkadda Meta ee iska leh degellada facebook iyo Instagram ayaa samaysay app cusub oo lagu magacaabo Threads.

Ujeedku wuxuu yahay inay rabaan inuu app-kaasi la tartamo oo uu suuqa la qaybsado Twitter-ka oo qaabkiisa la bixin la’yahay tan iyo markii uu iibsadey Elon Musk.

Haddii aad horay u lahayd, wuxuu ku xiran yahay Instagram oo tusaale, dadka kuugu jira halkaas waxaad iminka usoo wareejin kartaa Threads.

7 saac oo uu iminka diyaarsan yahay waxaa furtay oo cinwaano ka samaystay dad kor usii dhaafaya 10 malyan oo qof.

Arrintan ayaa u eg mid qayb ka ah dagaalka milkiilaha Meta Mark Zuckerburg iyo Elon Musk.

Hadalsame Media