DEG DEG: Xeer Ilaalinta oo soo gudbisey magacyada madax musuq loo haysto & Rag waawayn oo ku jira (Daawo)

0

(Muqdisho) 06 Luulyo 2023 – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyey magacyada 18 qof oo loo haysto inay musuq ku lug leeyihiin.

Waxaa dadka eedaysan ee faraqa la haysto oo ay ku jiraan Agaasimihii hore iyo Agaasimaha hadda ee Hay’adda Socdaalka ka mid ah Max’ed Aadan Koofi iyo Cabdul.

Xafiisyada uu musuqu ka dhacay ayaa waxaa lagu sheegay Xafiiska Bankiga Dhexe ee gegada Aadan Cadde, Xafiiska Fiise Kordhinta shisheeyaha IWM.

Suleymaan Maxamed oo ah Xeer Ilaaliyaha Qaranka, ayaa shaaciyay liiska 18 mas’uul oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadwayne.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay wada shaqayn la leedahay Booliska Caalmiga ah ee INTERPOL, sidaa darteedna eedaysanayaasha aan xitaa dibedda looga hari doonin.

Halkan kala soco magacyada….

Hadalsame Media