
(Paris) 05 Luulyo 2023 – Macallinka PSG ee Cristophe Galtier oo ay toddobaadkii hore ay booliisku xireen kaddib markii lagu eeday midab-takoor iyo cunsuriyad intii uu ku sugnaa naadigiisii hore ee OGC Nice, ayay xog cusubi kasoo baxday.
Emaillada la soo bandhigay, waxaa ka muuqata sida Galtier oo 56-jir ah la sheegay inuu si cad ugu gudbiyay Agaasimaha Ciyaaraha Julien Fournier in “uusan rabin ciyaartooy badan oo madow iyo Muslim ah oo kooxdiisa u dheesha”.
Sidoo kale waxaa la sheegay in uu aad uga caroodey in ciyaartooydiisa qaarkood ay soomaan bisha Ramadaan.
Waxaa xusid mudan in ninka sidan Muslimka u neceb uu hadda u shaqaynayey koox ay Muslimku biilaan.
Hadalsame Media