(Berlin) 05 Luulyo 2023 – Hoggaamiyaha Jarmanka Olaf Scholz ayaa sheegay in Berlin ay ka caga jiidayso inay Ukraine siiso madaafiicda riddada dheer iyadoo ka walaacsan suurtagalnimada inay Ukraine go’aansato inay u adeegsato inay ku garaacdo gudaha dhulka Ruushka.
Waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey TV-ga Dowladda Jarmanka ee ARD, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la waydiiyey sababta Berlin u diidday inay Kiev siiso gantaalaha riddada dheer.
“Waxaan si taxadar leh u hubinnaa dhammaan codsiyada nasoo gaara. Laakiin annaga waxaa jira mabda’ aan la wadaago Madaxwaynaha Maraykanka – ma doonayno in hubka aan siinno dalkaasi loo adeegsado weerarridda dhulka Ruushka,” Scholz ayaa sidaa u sheegay weriyaha ARD ee Tina Hassel.
Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky ayaa lagusoo warramayaa inuu u sheegay Scholz intii lagu jirey kulankoodii Berlin bishii Maajo in Kiev “ay si deg deg ah u rabto” gantaalaha Swedish-Jarmanka ah ee Taurus KEPD 350.
Gantaalahan ayaa waxa ay ku hubaysan yihiin madaxyo cufkoodu yahay 500kg, waxa ayna tiiro ahaan gaari karaan ilaa 500km (310 mayl).
Arrintan ayaa ka dhigan in reer Galbeedku aysan diyaar u ahayn inay Ruushka si dhab ah uga caraysiiyaan.
Hadalsame Media