Gabar aqoonyahanad ah oo nin guursada waysan oo Booliiska codsi yaab leh u dirsatay

0

(Bhopal) 05 Luulyo 2023 – Sooryada ayaa sharci-darro ka ahaa Hindiya tan iyo sanadkii 1961, balse qoyska caruusadda ayaa weli laga filayaa inay lacag, dhar iyo dahab u hadiyeeyaan qoyska carBhopaluuska.

Haatan, macallimad 27 jir ah oo ku nool magaalada bartamaha Hindiya ku taalla ee  ayaa billowday codsi ay booliiska ku weydiisaneyso inay saraakiil ciidan u diraan goobaha aroosyada lagu dhigo si ay usoo afjaraan dhaqankan.

Gunjan Tiwari (ma aha magaceeda saxda ah) ayaa BBC u sheegtay in dalabkeeda ay sabab u tahay dhacdooyinka iyada qudheeda qabsaday ee ah in tobnaan nin ay u diideen guurkeeda sababo la xiriira sooryada.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa dhacdya bishii February markii aabbaheeda uu nin dhlainyaro ah ku casuumay gurigooda isagoo rajo ka qaba inuu gabadhiisa u guuriyo.

Kaddib markii waaliddiinteeda ay martidu isa salaameen oo sheekeysteen, Gunjan ayaa soo gashay qolka fadhiga, iyadoo martida sidda shaah kulul iyo macmacaan.

Waxay marxaladdaas ku tilmaameysaa mid “cabsi leh”.

“Qof walba adiga ayuu indhaha kugu gubayaa, dhammaantood way ku imtixaanayaan,” ayay tiri.

Qorshooyin badan ayaa loo degay goorta iyo xilliga ay Gunjan soo hor mareyso martida. Hooyadeed ayaa u doortay dhar cagaaran sababtoo ah waxay dareemeysay in gabadheedu ay kusoo baxeyso. Waxay sidoo kale Gunjan kula Talisay inaysan qoslin maaddaama ay dadka kusoo jeedineyso ilkaheeda aan toosneyn.

Waa waxyaabo ay Gunjan la qabsatay oo taqaanno – iyadoo sanado badan soo sameysay lix jeer. Qu’aalaha ay weydiinayeen ayaa sidoo kale ahaa kuwo ay kaisi war heysay – waxbarashadeeda iyo shaqada, iyo inay cunto-karinta taqaanno.

Kahor inta aysan qolka soo gelin, waxay maqashay waaliddiinteeda oo aabbaha wiilka weydiinaya qiimaha sooryada ay filanayaan. “Waxaan maqalnay iyagoo dalbanaya 5m ilaa 6m oo rubiga Hindiya ah ($61,000 – $73,000; £48,100 – £57,000). Markii uu aabbahay weydiiyay, wuxuu ku kaftamay ‘haddii ay gabadhaadu quruxsan tahay, wax baanu kaa dhimeynaa,” ayay tiri.

Iyadoo wada sheekeysigu sii socdo, Gunjan waxay sheegtay inay qiyaastay inaan waxba laga dhimi doonin- martida ayaa su’aal ka keenay ilkaheeda aan toosneyn iyo nabar wejiga kaga yaallay.

Hindiya

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Kaddib markii shaaha la cabay, oo Gunjan la siiyay daqiiqado yar oo ay si gaar ah ula hadasho wiilka, waxay u sheegtay inaysan u guursan doonin sooryo darteed.

“Wuxuu igu raacay inuu yahay dhaqan ku xun bulshada,” ayay tiri, iyadoo intaa raacisay inay taasi gayeysiisay inay ku fekerto inuu ka duwanaa raggii kale ee ay hore ula kulantay.

Balse waxay durba ogaatay in diidmo la siiyay.

“Hooyadey ayaa u aaneysay diidmadeyda sooryada. Way iga careysneyd mana ila hadlin in ka badan labo toddobaad,” ayay tiri.

Lixdii sano ee lasoo dhaafay, Gunjan waxay sheegtay in aabbaheed uu la xiriiray “qoysaska 100-150 doobab u qalmi karay iyada” ayna la kulantay 20 ka mid ah. Gunjan qudheeda ayaa arji guur u bandhigatay lix ka mid ah. Dhammaantoodna, waxay sheegtay inay diideen sababo la xiriira sooryada.

“Sababo la xiriira diidmooyinkaas waxaan lumiyay kalsoonideyda,” ayay tiri Gunjan, oo shahaadada sare ka heysata maaddada xisaabta.

“Markii aan si qumman u fekero, ma aha aniga qofka ay wax ka dhiman yihiin, ee dhibaatadu waa dadka oo doonaya soryo. Balse waxaan aalaaba dareemaa inaan culeys ku noqday waaliddiinteyda.”

Marka laga soo tago sooryada – oo bixinteeda iyo qaadashadeedaba – ay sharci-darro ahayd in ka badan 60 sano, 90% guurka Hindiya ka dhaca waa laga qaataa sooryada – sida lagu sheegay daraasad dhowaan la sameeya.

Waaliddiinta gabdhaha ayaa qaata deyn badan amaba xitaa iibiya dhulkooda iyo guryahooda si ay u bixiyaan sooryada, taasna xiraa nolol qurxoon uma damaanad qaaddo gabadha.

Sida laga soo xigtay waaxda dembiyada qaranka dalkaas, 35,493 oo caruusado ayaa Hindiya lagu dilay intii u dhaxeysay sanadihii 2017 iyo 2022 – iyadoo celcelis ahaan ay u dhiganto 20 haween maalintii – kuwaasoo loo heystay inaysan sooryo ku filan siin qoyska caruuska.

Dadka kasoo horjeeda arrintan ayaa sheegaya in sooryadu ay sidoo kale tahay mid ka mid ah sababaha ka dambeeya farqiga u dhaxeeya ragga iyo haweenka – QM ayaa ku qiyaaseysa in ku dhowaad 400,000 oo gabdho ah lasoo rido iyagoo uurka ku jira sanad kasta, iyadoo waaliddiitu ay ka baqayaan in sooryo la weydiisto.

Iyadoo codsigeeda u gudbisay madaxa booliiska Bhopal Harinarayan Chari Mishra, ayaa Gunjan waxay sheegtay in xalka keliya uu yahay in la baaro goobaha aroosyada lana soo xiro kuwa sooryada bixinaya iyo kuwa qaadanaya.

Hindiya

XIGASHADA SAWIRKA,GUNJAN TIWARI

“Sooryadu waa wax bulshada u xun waxaana naga go’an inaan baabi’inno. Waxaan dhammaan saldhigyada booliiska ka codsaday inay caawinaad siiyaan haweeney walba oo u timaadda,” ayuu BBC u sheegay Mr Mishra.

Balse, wuxuu leeyahay, “booliisku ay jiraan wax xaddidaya, ma joogi karaan meel walba waxaana u baahannahay inaan arrintan wacyigelin badan ka sameyno, si aan u beddelno fekerka dadka”.

Kavita Srivastava oo u doodda xuquuqda dadka ayaa sheegeysa in booliisku uu caawinaad geysan karo, balse wax ka qabashada sooryada ay tahay arrin cakiran.

“Hindiya maaha dal booliis, balse waxaa jira sharci mamnuucaya sooryada waxaana u baahannahay in si wanaagsan loo dhaqan-geliyo sharciga.”

Sooryada, ayya sheegtay, inay ka mid tahay waxyaabaha mar qura la wada siiyo qoysaska dhuuniga ah ee caruuska kuwaasoo mar walba wax intaa ka sii badan dalbada xitaa kadib guurka sababtoo ah “waa lacag fudud, oo si fudud taajir loogu noqonayo”.

Ms Srivastava ayaa tusaale u soo qaadaneysa haweenka wajaha dhibaatooyinka gurigooda ku heysta oo xitaa mararka qaar laga soo eryo gurigooda haddii ay fulin waayaan dalabaadyada soo laalaabta.

Dalbashada sooryada ayay sheegtay in keliya lagula dagaallami karo haddii wiilashada dhalinyarada ah iyo haweenku ay hal meel ka istaagaan ayna diidaan inay bixiyaan amaba qaataan sooryo.

Gunjan ayaa sheegtay inay jeclaan lahayd inay u guursato sababo la xiriira “noloshu waa dheer tahay keligeyna ma noolaan karo”, balse ma hubto inaysan bixin doonin sooryo.

Balse iyadoo waqtigu ku socdo, waxaa kordhaya niyad-jabka ay qoyskeedu ka qabaan inay u helaan wiil u qalma.

“Qaraabadeyda ku nool xaafadda aan kaoso jeedo ee degmada Etawah oo u dhow gobolka Uttar Pradesh, 25 jir waxaa loo arkaa naag weyn marka guurka la eegayo.”

Sidaa darteed, aabbaheed ayaa ayaa si joogto ah u akhriya joornaallada guurka ka hadla wuxuuna qaraabadiisa ku wargeliyay inay usoo sheegaan haddii ay arkaan wiil u qalma gabadhiisa. Wuxuu ku biiray WhatsApp group oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 2,000 oo qof oo qabiilkiisa kasoo jeeda halkaasoo qoysasku ay ku wadaagaan warbixinnada carruurtooda.

“Intooda badan waxay doonayaa aroos qurux badan oo ay ku kacayso 5m oo rubi ama ka badan. Aaabbahay keliya wuxuu awoodi karaa kala bar intaas,” ayay tiri, iyadoo intaa raacisay in nolosha waaliddiinteeda ay sii adkeysay diidmadeeda ah inaysan u guursan doonin sooryo darteed.

“Aabbahay wuxuu leeyahay in keliya lix sano laga joogo intii uu ii raadinayay caruus. Haddii aan sooryo la bixin, ayuu leeyahay, ma awoodi doono inuu ii helo wiil ii qalma xitaa haddii uu baadi-goobo 60 sano.”

BBC

Hadalsame Media