(Paris) 05 Luulyo 2023 – Hoggaamiyaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa maanta u sheegay barasaabyada in dowladdiisu ay ka fiirsan karto inay xakamayso gelitaanka baraha bulshada ee Faransiiska oo dhan “marka ay arrimuhu faraha ka baxaan.”
Hadalkiisa ayaa yimid kaddib maalmo rabshado ay dalkaasi ka socdeen markii toogasho ay boolisku todobaadkii hore ku dileen wiil dhallinyaro ah oo asal ahaan kasoo jeeda Woqooyiga Afrika, xili uu ku sugnaa daafaha Paris.
“Waxaan u baahan nahay inaan ka fikirno adeegsiga shabakadahan [bulshada] ee dhallinyarada,” Macron ayaa wuxuu sidaa u sheegay koox ka kooban 250 duq magaalo oo degmooyinkooda ay saameeyeen rabshaduhu, sida laga soo xigtey The Guardian, isagoo soo xiganaya muuqaal kasoo baxay telefishinka Faransiiska ee BFM TV.
“Marka ay arrimuhu gacanta ka baxaan, waxaa laga yaabaa inaan u baahanno inaan xakamayno baraha bulshada ama aan gebi ahaanba jarno.” Ayuu soo jeediyey.
Macron wuxuu intaas ku daray inuu rumaysan yahay inay tani tahay ” dood dhab ah oo aan u baahan nahay inaan yeelano maalinta cad.”
Toddobaadkii hore, Macron wuxuu sheegay in shirkadaha warbaahinta bulshada ay “door la taaban karo” ka ciyaareen qalalaasaha ruxay dalkaa oo dhan.
Sarkaal Faransiis ah oo magaciisa qariyey ayaa isna Wakaaladda Wararka ee AP u sheegay Jimcihii in xogta gaarka ah ee sarkaalka booliiska ah ee toogtay wiilka 17-jirka ah lagu faafiyey internet-ka.
Madaxwaynaha Faransiiska ayaa sidoo kale ugu baaqay shabakadaha bulshada ee kala duwan inay muujiyaan “dareen mas’uuliyadeed” marka ay timaado gudbinta waxyaabaha ku jira aaladahooda, iyo inay hoos u dhigaan qoraallada dhiirigelin kara rabshadaha iyo cunfiga.
Hadalsame Media