Booliiska Sweden oo qool bir ah qoorta loo suray (Kitaab aysan ogolaan karin oo laga codsaday in la gubo)

0

(Hadalsame) 05 Luulyo 2023 – Booliiska Stockholm ayaa waxaa soo gaarey codsiyo dhowr ah oo ay shakhsiyaad ku doonayaan inay ku gubaan kitaabo diini ah.

Codsiyadaas mid ka mid ah waxa lagu dalbaday in Kitaabka Qur’aanka lagu gubo masjid hortiis, codsiga labaad ayaa ah in kitaabbada Towraad iyo Bible-ka Masiixiga lagu gubo bannaanka hore ee Safaarada Israa’iil ee Stockholm.

Hore waxaa u dhacday in kitaabka Qur’aanka lagu gubo dibedda hore ee Safaarada Turkiga iyo xaafadaha ay Muslimiintu u badan yihiin ee Stockholm.

Dadkaas gefka gaysanayeyna waxay si sahlan ku heleen ogolaanshiyaha, balse hadda waxaa soo kordhay codsi ku aadan in Towraadka gubiddiisa lala aado Safaarada Israaiil, dad badan ayaana su’aal gelinaya in booliisku rukhsayn karo in kitaabka Yuhuudda lagu hor gubo Safaarad Yuhuudi leedahay, waayo horayba waa u diideen, taasoo muujisay laba-wejiilaynta socota.

F:G: Culimada Islaamku waa ay diideen in la taageero gubid kitaab diini ah, hadii uu ahaan lahaa towreed, injiil ama Quraan. I.W.M.

W; D: Jibriil C Macallin

Hadalsame Media