Aqalka Sare ee Itoobiya oo ku dhawaaqay samaynta Maamul-goboleed cusub oo lagasoo jaray mid kale

0

(Addis Ababa) 05 Luulyo 2023 – Xubnaha Golaha Federayshinka Itoobiya ama Aqalka Sare ayaa maanta go’aan aqlabiyad ah ku ansixiyey samaynta maamul-goboleed cusub oo laga soo jaray lix aag iyo shan degmo oo gaar ah oo ka tirsanaan jirey Gobolka Shucuubta Koonfureed (SNNP).

Dowlad-degaanka cusub oo lagu magacaabay “Gobolka Koonfurta Itoobiya”, waxa uu noqonayaa Dowlad-deegaanka 12-aad ee Itoobiya, iyo Dowlad-goboleedkii saddexaad ee la dhiso kaddib afti ay qaadeen Guddiga Doorashada Qaranka Itoobiya (NEBE) afartii sano ee lasoo dhaafay.

Inkastoo Golaha Degaanka ee degmooyinka Hadiya, Halaba, Kembata Tmbaro iyo aagagga Silte, iyo sidoo kale degmada gaarka ah ee Yem ay iyaguna u codeeyeen in dib u habayn lagu sameeyo qaybahooda maamul si ay u dhistaan maamul goboleed cusub, haddana arrintaa lama soo qaadin, waxaana hadda ay degaannadaasi kassii mid ahaanayaan waxa ka haray Dowlad-goboleedka SNNP.

Go’aankii maanta ee Aqalka Sare ee HoF ayaa sidaa darteed, lix aag oo ka tirsan SNNP oo kala ah Konso, Gedeo, Gamo, Gofa, South Omo, iyo Wolayta zones iyo sidoo kale shan degmo oo gaar ah oo kala ah: Amaro, Ale, Basketo, Burji iyo Derashe ka dhigay Maamul-goboleedka cusub ee Koonfurta Itoobiya.

Hadalsame Media