Ukraine oo isku dayday inay khaarajiso barasaab Ruush ah (Qiddadda ay adeegsadeen & Sida loo qorsheeyey?)

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2023 – Nin isku diyaarinayay inuu dilo barasaabka gobolka Crimea ayaa lagu qabtay dalka Ruushka, sida ay sheegtay Hay’adda Nabadsugidda Federaalka ee FSB. Waxaa ninka soo dirtay Kiev isagoo tababar ku saabsan kahortagga walxaha qarxa kusoo qaatay Ukraine, ayay hay’addu sheegtay.

Qorshahan dhagarta ah ayaa la fashiliyey markii ninka, oo haysta dhalashada Ruushka kuna jira da’da 30-meeyada, uu bilaabay ururinta walxaha walxaha qarxa ee la macmalo, sida ay hay’addu sheegtay. Waxay sii daysay muuqaalka xarigga ninka, oo sida muuqata tusaya qaybo ka mid bambooyinka mar waraysi maraanmar ah laga qaaday.

FSB waxay ku andacoonaysaa in gacan ku dhiiglahani uu u qornaa SBU-da Ukraine oo qoratay bishii Diseembar ee la soo dhaafay iagoo u safray Ukraine si uu u tababaro ku aaddan farsamooyinka waxyaabaha qarxa usoo qaato. Waxa uuna bishii hore gaarey caasimadda Crimea ee Simferopol.

Qorshuhu waxa uu ahaa in gaariga lagu xiro walxaha qarxa ee macmalka ah ee IED oo awood badan, iyada oo la isticmaalayo jajabyo bir ah iyo walxo kale oo khatar dheeraad ah u yeelaya.

Baabuurka ayaa markaa la dhigi lahaa jidka ay soo marto kolonyada gelbinaysa Aksyonov.

Hadalsame Media