Xeerka cusub ee hobseedka oo anfici doona ciyaartooyda leh baxaalliyada qaar (Maxaa ka mid ah?)

0

(Zurich) 03 Luulyo 2023 – FFIFA ayaa rasmiyan u tijaabinaysa xeer cusub oo hobseedka ah xilli ciyaareedka 2023/24 waxaana lagu tijaabinayaa horyaallada Netherlands, Italy iyo Sweden.

FIFA ayaa lagu wadaa inay wax ka beddesho sharciga hobseedka. Waa soo jeedinta Arsene Wenger waxay fursad siin doontaa ciyaartooyda orodka badan.

Tani waxay la macno tahay in haddii qayb ka mid ah jirka laacibku ay ka dambayso difaaca ugu dambeeya, weeraryahanku hobseed kuma jiro. Micnaha wuxuu hobseed noqonayaa haddii uu gebigiis khadka ka dambeeyo.

Shaki la’aan arrinta waxay ka farxin doontaa weeraryahannada oo dareemi doona xornimo dheeraad ah, gaar ahaan kuwa dhuumashada badan sida Pippo Inzaghi.

Hadalsame Media