”Waxaan naqaan sababta” – Iiraan oo si jees jees ah oo la yaab leh uga hadashay rabshadaha Faransiiska ka socda

0

(Hadalsame) 03 Luulyo 2023 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iran ayaa ku boorrisey Dowladda Faransiiska inay taxaddar muujiso oo ay xakamayso wax ka qabashada mudaaharaadyada baahsan iyo rabshadaha ka socda dalka oo dhan. Waxay sidoo kale ku boorrisey muwaadiniinta Iran inay ka fogaadaan inay u safraan Faransiiska, iyadoo tixraacaysa xaaladaha halkaas ka jira.

“Sidii waagii hore, waxaan kula talinaynaa Dowladda Faransiiska iyo booliisku inay u hoggaansamaan dalabaadka mudaaharaadayaasha iyagoo xakamaynaya kana fogaanaya rabshadaha,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Nasser Kanaani.

Kanaani waxa uu sidoo kale soo jeediyey in qalalaasaha Faransiiska, iyo sidoo kale xaaladda dalalka kale ee Yurub ee aanu cayimin, ay ka dhalatay “takoorka” dadka soogalootiga ah iyo diidmada dowladuhu ay ka caga jiidayaan inay wax ka qabtaan.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Paris inay ixtiraamto xuquuqda aasaasiga ah ee dadka oo ay u ogolaato “mudaaharaadyada nabdoon” inay u socdaan si aan la carqaladaynayn.

Marka laga reebo ku boorrinta mas’uuliyiinta Faransiisku inay taxaddar muujiyaan si ay wax uga qabtaan foowdada, Tehran waxay sidoo kale ku boorrisey muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan “safarrada aan daruuriga ahayn” ee ay ku tegayaan Faransiiska ilaa inta xaaladda ammaanku ay tahay mid dood la gelin karo.

Hadalsame Media