(Hadalsame) 03 Luulyo 2023 – Arbacadii oo ahayd markii Muslimiin badani ay u dabaaldegayeen Ciidul Adxaa ayaa nin ku sugan magaalada Stockholm waxa uu jeex jeexay oo deeto gubey Qur’aanka kariimka ah weliba bannaanka Masjidkii lagu dukanayey, waxaana si wayn arrintaa u cambaareeyey dowlado ay ka mid yihiin Marooko iyo Turkiga oo Danjireyaashii u yeeray iyo Sacuudiga.
Axaddii shalayna, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ah mid ka kooban 57 dowladood, ayaa sheegay in loo baahan yahay tillaabooyin wadajir ah si sharciga caalamiga ah loogu isticmaalo joojinta nacaybka diimeed.
OIC ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Waa inaan u dirnaa xasuusin joogto ah beesha caalamka taasoo ku saabsan ku dhaqan deg deg ah oo sharciga caalamiga ah, kaasoo si cad u mamnuucaya u qareemidda iyo difaaca nacaybka diimeed.”
Haatan, Baadariga Francis ayaa isna cambaareeyey gubista Qur’aanka ee usbuucii hore ka dhacday Sweden, isagoo sheegay inuu dareemay “xanaaq iyo yaqyaqsi” markii uu arkay kitaabka muslimiinta oo la nijaaseeyey.
Waraysi uu Isniintii ku daabacay wargayska Al Itixaad ee ka soo baxa Imaaraadka Carabta, ayuu baadarigu ku yiri: “Buug kasta oo loo arko inuu quduus yahay waa in la ixtiraamaa si loo ixtiraamo dadka rumeeysan.
“Waxaan dareemaa xanaaq iyo yaqyaqsi ku fooggan falalkan.” ayuu ku yiri warqaadka.
Dowladda Sweden oo mararkii hore ku gabanaysey derbiga xorriyadda hadalka ayaa haatan dareentay culayska istaraatijiga ah ee ay arrintan leedahay, taasoo keentay in Wasaarad Dibadeedka Sweden ay si rasmi ah u cambaarayso falkan.
Hadalsame Media