Sirdoonka Turkiga oo gacanta ku dhigay wakiilladii ugu badnaa ee Mossad ah & Wixii ay qabanayeen?

0

(Ankara) 03 Luulyo 2023 – Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MİT ayaa xabsiga u taxaabtay koox ka kooban 7 qof oo u shaqaynayay Sirdoonka Mossad, sida ay faafisay warbaahinta Turkigu.

Xiritaanka todobadan wakiil ayaa daaha ka qaadday dhaqdhaqaaqyada guud ee wakiillo basaasiin ah oo gaaraya 56 qof oo ku baahsan 9 magaalo oo kala duwan oo Turkiga ah.

Mossad ayaa ah hay’ad ka mid ah sirdoonnada ugu halisan dunida, iyadoo Israel ugu qaybsan basaasidda dibedda oo ay ka fuliso howlgallo isugu jira; sirdoon, lid sirdoon, khaarajin iwm.

 

Hadalsame Media