Qiimaynta ugu dambaysa ee UEFA oo kaalinta 5-aad ka saartay Horyaalka France weli se wuu ku jiraa + Sababta

0

(Nyon) 03 Luulyo 2023 – Qiimayntii ugu dambaysey ee UEFA soo saartay ayaa keentay in Netherlands ay 5-aad kala baxdo France, taasoo lagu saleeyey natiijooyinka kooxaha ee tartamada Yurub shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey.

In kasta oo Ligue 1 uu weli ku jiro shanta horyaal ee ugu sarreeya qiimaynta UEFA, haddana waxaa barakiciyey kooxaha Eredivisie markii la eegayo isku darka 5tii sano ee la soo dhaafay.

Paris Saint Germain waa kooxda kaliya ee tan iyo Monaco 2004 soo gaarta final-ka Champions League, halka Marseille oo kasoo muuqatay final-ka Europa League 2018-kii ay sidoo kale ahayd markii ugu horreeysey tan iyo markii ay iyaga laftoodu gaareen 2004.

Dhanka kale, guulihii ugu dambeeyey ee kooxaha Dutch-ka ee Yurub, kuwaas oo ah Feyenoord oo tiigsatey final-ka Shirka Europa League ee 2022, iyo sidoo kale AZ Alkmaar oo gaartey semi-final-ka xilli ciyaareedkan, ayaa Eredivisie siisay tiro badan oo dhibco ah.

Halkan ka arag qiimaynta…

Hadalsame Media