”Ma Muqdishadii fardaheenna xirxiri jirtey?” – Dad Suuriyaan ah oo ka fal-celiyey wiil yar oo dalkaa u dhashay oo ku ciyaarayey Istaadiyo Muqdisho (Daawo)

0

(Muqdisho) 03 Luulyo 2023 – Waxaa baraha bulshada ku faafay wiil yar oo Suuriyaan ah oo isaga oo jooga Istaadiyo Muqdisho iska ciyaaraya iyadoo dad la joogaa ay durbaan u garaacayaan jeer halkaa lagu dhigayey xaflad lagu maamuusayey Todobaadka Xorriyadda Somalia.

Waxaa muuqaalkii soo qaatay bogga Carbeed ee Orient oo cinwaan uga dhigay in wiil Suuriyaan ihi uu wacdaro ka dhigay Istaadiyo Muqdisho isagoo ku ciyaaraya ”muusigga Afrikaanka ah” Maalinta Xorriyadda Somalia.

Deeto Carabtii ayaa ka fal-celisey waxaana ugu badnaa Suuriyaan la yaabban inay Muqdisho iyo Somalia xitaa u qaxeen.

Mid baa se woxoogaa ka badbadiyey isagoo soo qoray in Muqdisho ay iyaga shaqaale u ahaan jirtey wuxuuna yiri: ”Ma Muqdishadii fardaheenna xirxiri jirtey?”

Yeelkeede, qaar kale oo midkan ka gobsanaa kana waaqicisanaa ayaa warka ugu naxariistay Somalia. Mid baa yiri: ”Somalia waxay noqon lahayd dalka ugu hodansan, nasiib xumo se dagaallo sokeeye ayaa kala daadiyey.”

Hadalsame Media