(Hadalsame) 03 Luulyo 2023 – Laba arrinba waan is waydiiyaa cidda jidaysay, xeerka diimeed ee bannaynaya iyo xukunka dowladeed ee inay sii jiraan difaacayaa waxa ay ku qotomaan ama ku salaysan yihiin.
1 – Waa arrinka koowaad’e , hooyo maankeeda miirkeeda iyo caqiidadeeda saxda ah ee Islaamka ah qabta oo jidh ahaan iyo dhaqan ahaanba awoodda inay ubadkii ay dhashay haysato/koriso oo kaalin geliso sababta looga qaado ee loo ximiyo xasaradna loogaga eexdo si ubadkeeda iyo iyada loo kala xarrimo (iyada oo marar badan sharciga iyo maxkmaduhu ay ka garab noqdaan hooyada.
2 – Waa arrinka labaad’e , hooyo foolanaysa oo ilmihii uurka ku jiray ee aan weli adduunkan imani khatar gelinayo nolosheeda sababta idan(ogolaanshiyo) loogu waydiiyo qof nin ah oo aan jidhkeeda la lahayn, saamiga Ilamaha uurka kujirana aan uga badnayn (iyada oo ay marar badan dhacdo in uu diido in lakala badbaadiyo hooyada , tusaale in la qalo iwm)
Labadan arrinba waa arrimo si wayn geyiga Soomaaliyeed uga dhaca, waa maxay sababta ay u dhacaan? Yaa dhigay sharcigan hooyada ka dhanka ah? Arrinka ah in badbaadada hooyada ogolaanshiyo looga dalbo ninkeeda halkee laga keenay( illeen diin kuma qotomo oo waynu ognahaye) nolosheeda iyo nafteeda miyaa caqdigii/heshiishkii guurka lagaga saxeexday mise bannaysashada farjigeeda oo keli ah?
Saamiga Ilmahan uurka Ilaahay ku abuuray miyayna hooyada iyo aabbuhu ka sinnayn? Iyaa Aabbaha siiyay xaqan uu keligii isa siiyay ee bulshaduna kula garabka tahay?
Halkee laga maray ; لَا تُضَارَّ وَالِدَةٌ بِوَلَدِهَا وَلَا مَوْلُودٌ لَّهُ بِوَلَدِهِ ۚ Illaa aayadda dhamaadkeeda.
W; Q: Xamda Xuseen
JAWAABTA MAXAMED XAAJI
1 – Sida ay ila tahay oo lagu daray woxoogaa xaqiiqooyin ah: Tan ilmaha cidda haynaysa maba qabo inuu hadda Somalia ka yahay dhibaato dumarka haysata, waxay malaha ku fiicnayd in raggu marka ay dumarka furaan aysan ka goosan biilka, balse inta badan kamaba qaataan carruurta.
Yeelkeede, waxaa cidda ilmaha haynaysa go’aaminaysa duruufta markaa jirta sharciguna taas ayuu raacayaa. Tusaale, haddii uu ninku yiraahdo oo ku adkaysto anigaa korsanaya hooyadiina aanay dakhli heli karin isna aanu diyaar u ahayn inuu ku biilo waxaa loo dhiibayaa isaga iyadoo taa uun ka eegayo. Waxaa sidaa oo kale ah haddii aan lagu kalsoonayn mas’uuliyadda gabadha ama ay jiraan arrimo kale oo diidaya in ilmaha iyada looga tago, laakiin ma jiro sharci default ah oo qoraya ”waa in markiiba ilmaha ninka ayaa la siiyaa maadaama uu nin yahay” kama jiro Somalia.
2 – Tan ah inuu ninku saxiixo in gabadha la qalayo xilliga dhalmada geeska ah iyo in kale waa xaq ay iyadu leedahay waana inay iyadu saxiixdaa, marka la eego xeerarka caafimaadka, laakiin ninkeeda waa lagu sharfi karaa in loo sheego. Tan kale, haddii ay noqoto in mid la badbaadiyo hooyada iyo ilmaha uurka ku jira waxaa la badbaadinayaa hooyada haddii aan laga quusan, markaasoo uur ku jirka la badbaadinayo haddii nolol rajo looga qabo.
Hadalsame Media