”Ciddii lagu arko iyadoo qabri qodaysa waa xabsi” – Maamulka Gobolka oo joojiyey qabriyadii la ”barakicinayey” ee Macallin Nuur (Daawo)

0

(Muqdisho) 03 Luulyo 2023 – Guddoonka Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Madaale ayaa ku baaqay in la joojiyo qubuuraha la qodayo, isagoo ka hadlayey arrin beryahan ka socdey Muqdisho oo ah in dadkii lagu khasbay inay halkaa ka saaraan maytadoodii horay loogu aasay.

“Waxaan arki Jirnay dad nool oo la barakicinayo balse maanta waxaan arkaynaa Meyd la barakicinayo, qabri la qodi karo ma jiro dowladda ayaan masuul ka ah qofkii lagu arkana waa la xirayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Maddaale.

Wuxuu Madaale intaa ku daray in Qubuuraha Macallin Nuur horay loo waqfay cidna haatan dib u sheegan kartaana aysan jirin, isagoo caddeeyey in arrimaha dhulka lagala hadli karo oo kaliya Maamulka Gobolka Banaadir.

”Qofkii lagu arko isaga oo qabri qodaya mid qofka ku aasan ehel la ah xitaa ha ahaado cid laga yeelayaa ma jirto oo xabsiga ayaa la gaynayaa. Haddii uu shalay aabbahaa bixiyey ee aad maanta is bedeshey cid kaa aqrisanaysaa ma jirto,” ayuu raaciyey.

”Maanta wixii ka dambeeya cid qabri halla qodo dhihi kartaa ma jirto.” ayuu ku qayliyey isagoo sheegay in foowdadii lagu hayey dunida aan dadka dhintay qabriyadooda loola tegin.

Halkan hoose ka DAAWO….

Hadalsame Media