Waa maxay hubka Ruushka ee ay aadka u NACDAY Ukraine & Dal ay sheegeen inuu siin karo hub lid ku ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2023 – Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Lancet oo ah nooca is miidaamiya ee kamikaze-ga Ruushka ayaa noqday qodax wayn oo ku mudan ciidamada jiida hore ee Ukraine, Kiev ayaana waxa ay u baahan tahay hub horumarsan oo reer Galbeedku siiyo si ay khatartan wax uga qabato, sida uu qorayo Daily Telegraph, iyada oo soo xiganaysa sarkaal sare oo ciidamada Ukraine ka tirsan.

Sida laga soo xigtey Yury Sak, oo ah La-taliyaha Wasiirka Difaaca ee Ukraine, sirdoonka Kiev ayaa aaminsan in Ruushku “uu bilaabay inuu lacag badan ku maalgeliyo soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee noocan ah.”

“Si aan u fahanno sababta ay walaac noogu hayso, wax kasta oo awood u leh inay waxyeeleeyaan qalabkeenna ama khatar ku ah ciidamadeennu waa qaar walaac nagu ah,” ayuu yiri Sak.

Daroonka Lancet-ka Ruushka wuxuu qaadaa ilaa 3kg oo walxaha qarxa ah, isagoo ku duula joog hoose si aan loo ogaan, waana mid aad loo maarayn karo, waxaana ay hawada ku dhex jiraysaa ilaa bartilmaameedkeedu uu soo muuqdo.

Arrimahan ayaa ka dhigaya inay khatar wayn ku yihiin madaafiicda Ukraine, gaar ahaan marka la eego in Kiev ay ka caga jiidayso inay gantaalaha difaaca hawada u isticmaasho diyaaradahan rakhiista ah, ayay tiri warbixintu.

Sak waxa uu wargayska u sheegay in reer Galbeedku ay ka caawin karaan Ukraine la dagaallanka daroonnadan iyaga oo u soo diraya habab dheeraad ah oo difaaca hawada ah, gaar ahaan Gepard oo uu Jarmanku sameeyo, kuwaas oo ku hubaysan qoryaha lidka diyaaradaha.

“Waa kuwo guur-guura, waxayna u dhaqaaqi karaan si deg deg ah waxayna leeyihiin raadaar wanaagsan oo lagu sameeyey.” ayuu sarkaalku ku qayliyey.

Jarmanka ayaa horay Ukraine ugu diray 34 xabbo oo ah qoriga lidka diyaaradaha ee Gepard, iyadoo 18 kale ay jidka ku soo jiraan.

Wadar ahaan, sida laga soo xigtey saraakiisha Jarmanka, Berlin waxay qorshayneysaa inay Kiev siiso ilaa 45 Gepard dhamaadka sanadkan 2023-ka.

Russia-Ukraine War l Why Putin's Lancet Kamikaze Drones Are Now “Impossible  To Intercept & Destroy” - YouTube

Russia's loitering munition Lancet-3 in 60 seconds - YouTube

Flakpanzer Gepard - WikipediaGermany signals willingness to transfer Gepard anti-aircraft tanks to  Ukraine | Defense Brief

Hadalsame Media