(Hadalsame) 02 Luulyo 2023 – Laba diyaaradood oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka ee Colombia oo ah T-27 Tucano ayaa iskula dhacay hawada intii lagu guda jirey duullimaad ay ku tababaranayeen meel u dhow Saldhigga Hawada ee Apiay saakay, sida ay ciidamadu sheegeen.
Sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen Ciidamada Cirku, hal duuliye, gaashaanle dhexe, ayaa dhintay.
“Guddi kormeer ah ayaa loo diray goobta uu shilku ka dhacay si ay u ogaadaan sababaha [isku dhaca] keenay,” ayay yiraahdeen.
Fiidiyow la soo galiyey baraha bulshada ayaa muujinayao waqtigii uu shilku dhacay. Diyaarado dhowr ah ayaa la arkayaa iyaga oo isu soo dhowaanaya, waxaana mar qura baalka mid ah diyaaradahaasi ka kacaya holac aad u xooggan, iyadoo deeto si gagab ah u gadgadoomaysa.
Se accidentaron dos aviones de entrenamiento T-27 Tucano de la Fuerza Aérea a las 5:30pm en Apiay. El Teniente Coronel Mario Andrés Espinoza falleció. Todo nuestro apoyo a la familia. pic.twitter.com/CKhejJSOoE
— Steph Bates Prensa (@StephBatesPress) July 2, 2023
Hadalsame Media