(Liverpool) 02 Luulyo 2023 – Liverpool ayaa soo bandhigtay funaanaddeeda cusub ee ay ku ciyaarayso kulamada bannaanka ah xilli ciyaareedka 2023-24, kaasoo ay dhiirigelisay mid ka mid ah funaanadaha caanka ahaa ee kooxdu xiran jirtey bartamihii 90-meeyadii.
Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo Harvey Elliott ayaa ka mid ahaa xiddigaha Reds ee soo bandhigay funaanaddan cusub ee ‘spark and poison’ kahor xilli ciyaareedka cusub.
Funaanadda midabkan leh ayay Liverpool sidatey xilli ciyaareedkii 1995-96-kii, iyadoo leh hannaanka cagaar & caddaan si afar gees ah isu dhaafsan, iyo kulleeti madow ah.
Reds ayaa doonaysa inay xusto waayeheedii 90meeyadii marka ay xagaagan xirato maaliyaddan cusub ee xusuusta hore xambaarsan.
Hadalsame Media