Fox News oo weriye dacweeyey ku aamusiyey lacag 12 milyan oo doollar ah + Sababta (Waa imisa?)

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2023 – Fox News ayaa ogolaaday inay xalliyaan laba dacwadood oo ay midi ku foogganayd soo saarihii hore ee ‘Tucker Carlson Tonight’ Abby Grossberg, taas oo ku eedeeysay in shabakadu ay gelisey jawi shaqo oo cadaawadaysan oo ay ku cadaadiyeen inay bixiso marag been ah.

Heshiiskan xeer-jajabka ah waxaa ku dhawaaqay qarreenka Grossberg waxaana xaqiijiyey Fox wax yar kaddib. “Waan ku faraxsan nahay in aan awoodney inaan xallinno arrintan iyada oo aan wax dacwad ah la gelin,” ayay shabakadu tiri.

Waxay bixiyeen $12 milyan oo Doollar si ay hoos ugu dhaqaan $800 milyan oo doolar oo ay Fox siisay Nidaamyada Codaynta ee Dominion bishii Abriil. Shirkadda, oo soo saarta mashiinnada codbixinta ee elektiroonigga ah, ayaa dacwad kusoo oogtay Fox kaddib markii tiro ka mid ah martigeliyayaasha hilinkan – oo uu ku jiro Carlson – ay sii daayeen sheegashooyin ah in Dominion ay gacan ka gaystey faragelinta doorashada Madaxwaynaha ee 2020 taasoo ay ugu hiiliyeen Joe Biden oo guulaystey.

Mid ka mid ah laba dacwadood oo ka dhan ah Fox, Grossberg waxay sheegtay in “lagu khasbay, la cabsi geliyey, oo si khaldan wax loogu sheegay” si ay marag been ah uga bixiso kiiska Dominion, waxaana la siiyey “metelaad aad u liidata oo aan ku filnayn” marka la barbardhigo ragga ay wada shaqeeyaan.

Fox News settles lawsuit from fired producer Abby Grossberg for $12 million

 

Hadalsame Media