Maguire & Milner oo kusoo baxay laacibiinta farta kala xiran ciyaarta xeegada (Daawo)

0

(Hadalsame) 01 Luulyo 2023 – James Milner iyo Harry Maguire ayaa ka mid ahaa xiddigihii isboorti ee ka qaybgalay waqcadda LIV Golf.

Labadan xiddig ayaa ku raaxaysanaya waqtigooda fasaxa ah kahor inta aysan kusoo laaban tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee ay la qaadanayaan kooxahooda.

Laacibiintan ayaa wacdaro ka dhigay ciyaarta xeegada oo ay inta badan waqti ku qaataan xilliyada aysan kubadda ciyaaraynin.

Maguire ayaa waxa uu ku laaban doonaa Manchester United halkaas oo aan la hubin mustaqbalkiisa kaddib markii uu ka xiise dhacay macallinka naadiga Old Trafford.

Dhanka kale, Milner waxa uu isku diyaarinayaa nolosha kooxdiisa cusub ee Brighton maadaama uu qandaraaskiisii Liverpool uu dhacay dhamaadkii bishii hore ee Juun kaddib markii uu guulo la qaatay 8 sano ah oo uu joogey Anfield.

Harry Maguire was among the sporting stars to take part in LIV Golf's pro-am event

Hadalsame Media