(Hadalsame) 30 Juun 2023 – Website-ka OceanGate ayaa weli waxaa ku jira xayaysiisyo lagu tegayo burburka markabkii Titanic, 11 maalmood uun kaddib markii shan qof oo uu ku jiro maamulihii shirkaddu uu la dhintay afar dalxiise oo kale oo uu gujiskii yaraa ku malaasmay. Waxay qofkiiba ka qaaddaa $250,000 oo Doollar.
Bog cinwaankiisu yahay ‘Titan Expedition – Explore Titanic’ ayaa weli ku jira webka shrikadda kaasoo dadka siinaya fursad uu ugu quuso gunta hoose si uu usoo arko markabka burburay isagoo raacaya gujisyada shirkadda.
“Dadka ayaa ka safraya xeebta Atlantic-ga ee Canada safar 8-maalmood ah si ay ugu quusaan burburka Titanic oo yaalla meel 380 mayl xeebta u jirta iyo 3,800 mitir gunta badda,” ayaa weli bogga ku qoran.
”Quusitaankaagu kaliya ma bixin doono khibrad safar oo xiiso leh oo gaar ah, laakiin sidoo kale waxa uu ka caawin doonaa bulshada sayniska inay wax badan ka bartaan burburka iyo degaanka moolka dheer ee badda.’ ayaa raacsan.
Waxaa deeto kusii dhigan inuu bisha Juun 2024 uu jiri doono safarku, halka Juun 2023 uu midkiisu soconayo.
Yeelkeede, waxay u muuqataa inaan webka weli wax laga bedelin kaddib musiibadii ku dhacday safarkii ugu dambeeyey, balse safarradu siima socon doonaan, waayo waxaa weli khabiir ahaan iyo inuu dadka safraya caawin doono ugu diiwaangashan sahmiyaha caanka ahaa ee Faransiiska ee PH Nargeolet, kaas oo ku dhintay safarkii Titan ee ugu dambeeyey.
Booliiska Canada ayaa sidoo kale ka fiirsanaya in ‘sharciga dambiyada, federaalka, ama midka gobol’ lagu jebiyey safarkii Titan 5 ee ay shanta qofi ku dhinteen.
Hadalsame Media