(Hadalsame) 30 Juun 2023 – Dalalka Soomaaliya iyo Comoros ayaa kasoo muuqanaya shirka soo socda ee Negev Forum iyagoo noqon doona goobjooge ahaan. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil Eli Cohen iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ka wada hadlay in kulanka la ballaariyo oo lagusoo daro wadamo cusub.
Soomaaliya iyo Jasiiradda Comoros ayaa la filayaa inay shirkan usoo diraan saraakiil sare oo korjoogto ah kaasoo heer wasiir ah inta lagu guda jiro madasha Negev Forum ee lagu qabanayo dalka Marooko bisha Sebtembar, mareegta wararka Maraykanka ee Axios ayaa sidaa kasoo xigatey saraakiil ka tirsan Israa’iil.
Wadamadan ayaan la mid noqon doonin wadamada shirkan lagu metelayo ee Maraykanka, Israel, Masar, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Marooko oo xubno ka ah madasha.
Waddamadan aan xusnay oo qaarkood ay aqlabiyadoodu Muslim tahay, ayaa sidoo kale xubin ka ah Jaamacadda Carabta, waxayna xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la leeyihiin Israel.
Sida laga soo xigtey mas’uuliyiinta Israa’iil, wadahadallo hoose ayaa sannado badan lala yeeshay dalalkan, waxaana mas’uuliyiintu ay dhowaan si hoose u booqdeen Israa’iil.
Madasha Negev, oo la sameeyey bishii Maarso 2022, waa madal iskaashiyo dhinacyo badan leh oo gobolka ka khuseeysa dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha, isbeddelka cimilada, biyaha iyo amniga.
Waxay ahayd in shirkan la abaabulo bishii Maarso ee lasoo dhaafay, laakiin dhowr jeer ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira ajendayaasha oo la isku khilaafay, taasoo ay ugu wacnayd xiisadaha Bariga Dhexe.
Israaiil ayaan ka tanaasulin dhibaatadii ay ku haysey dalalka Muslimka ah, gaar ahaan dadka reer Falastiin, iyadoo xiriirka ay dalalka aannu soo sheegnay la yagleeleen lagu tilmaamay inay iyagu iskood isu dhiibeene aysan waxba uga bedelan Tel Aviv.
Hadalsame Media