(Brussels) 30 Juun 2023 – ”Ma ahan dembi in meel fagaare ah lagu gubo Qur’aanka Kariimka ah,” sidaas waxaa Khamiistii sheegay Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg, isaga oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan dhacdadii dhowaan ka dhacday Sweden ee carada ku beertay Muslimiinta.
Arrintan ayaa ah mid xasaasi ah, iyadoo la og yahay in dalka Turkiga ee Muslimiinta u badani uu ka mid yahay labada dal ee ilaa hadda diiddan inay ansixiyaan dalabka Sweden ee ku biirista Isbahaysiga Millateri ee Maraykanku hoggaamiyo.
“Waan fahamsan ahay dareenka iyo qoto dheeraanta dareenka sababtan,” ayuu Stoltenberg ugu sheegay suxufiyiinta shir jaraa’id Khamiistii. Waxa uu intaa ku daray in gubida Qur’aanka Kariimku ay tahay “meel ka dhac iyo wax la diidi karo [laakin] daruuri maaha inay tahay sharci-darro.”
Stoltenberg ayaa sidoo kale ka hadlay mudaharaadkii looga soo horjeedey isla NATO ee Sweden ka dhacay horraantii bishan. “Ma jecli. Laakiin waxaan difaacayaa xaqa ah inaan is khilaafi karno. Tani waa qayb ka mid ah xorriyadda hadalka.” ayuu ku dooday.
Wuxuu intaa raaciyey in MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan kala hadlay in lasii jiido wadahadalladii ku saabsanaa sidii ay Sweden ugusoo biiri lahayd NATO, iyadoo lagu ballamay kulan Khamiista ka dhici doona Brussels.
Hadalsame Media