(Manchester) 29 Juun 2023 – Daynta guud ee qaam-raamka ah ee Manchester United ayaa waxa ay haatan maraysaa £725m, taasoo aad u badan marka la eego dakhliga kooxda.
Kooxda iibka ah ee Premier League ka ciyaarta ayaa soo saartay tirokoobkooda maaliyadeed ee rubuca saddexaad Talaadadii iyadoo ay £521.5m ay tahay qaan hore oo ay galeen qoyska Glazer xilligii iibsigooda kooxda – taasoo ay wehliso amaah dhan £203.7m.
Tiradan ayaa ah tii ugu sarreeysay ee kusoo baxda sanad-maaliyadeedka kooxda tan iyo 2010-kii, waxaana ay ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan niyad-jabka ka imaanaya qaybo badan oo ka mid ah taageerayaasha naadiga gaar ahaan horumar la’aanta la dareemay tan iyo markii ay Maraykanku shaaca ka qaadeen inay raadinayaan maalgashi cusub ama ay kooxda iibinayaan bishii Nofeembar ee la soo dhaafay.
Shalay koox taageerayaal ah oo caraysan ayaa yimid Old Trafford, si ay ugu dibadbaxaan reer Glazers iyagoo dalbanaya inay kooxda iibiyaan, waxaana qoyskan oo diiddan inay kooxda u fasaxaan dadka doonaya xitaa la sheegay inay sidaa u samaynayaan inay u xumeeyaan taageerayaasha.
Hadalsame Media