“Waa ogyihiin waxa ka iman kara” – Ruushka oo furka ku xooray gubista Qur’aanka

0

(Hadalsame) 29 Juun 2023 – Baarlamanka Ruushka gaar ahaan Aqalka Sare ee Duma ee dalka Ruushka ayaa dhaleeceeyey Sweden inay u ogolaatay dad u dhaqdhaqaaqa Islaam-nacaybka inay mudaharaad Qur’aanka lagu gubayo ka dhigaan Stockholm, iyagoo sheegay in maamulka magaaladu ay si fiican uga warqabeen in ficilladoodu ay horseedi doonaan xiisado diimeed iyo mid qoowmiyadeed oo kacday.

Bayaan uu Aqalku soo saaray Khamiistii, ayaa lagu sheegay in dhammaan xildhibaannada Ruushka iyo Muslimiinta caalamku ay “aad uga caroodeen” go’aanka ay mas’uuliyiinta Sweden ku fasaxeen mudaaharaad lagu dhigo bannaanka masaajidka Stockholm kaasoo lagu ceebeeyey kitaabka barakaysan ee Islaamka.

Isu soo baxa laftiisa ayaa kusoo aaday iyadoo lagu jiro dabaaldegga Ciidul Adxaa oo ka mid ah ciidaha waawayn ee Muslimiinta.

Muuqaallo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinayey Salwan Momika, oo ah qabanqaabiyihii dhacdadan ceebeed, oo ku xadgudbaya Qur’aanka Kariimka ah, isagoo jeexjeexay bogaggiisa, kaddibna dab qabadsiiyey.

Mudaaharaadka oo ay ciidamada boolisku meel u xireen, misna waxay u suurtagelin waayeen inay ka hortagaan hadal kulul iyo aflagaaddooyin ka dhan ah Momika iyo dhowr qof oo la joogey.

Intaa waxaa dheer, hal nin ayaa isku dayey inuu dhagxaan ku tuuro dadkan, balse waxaa xiray booliiska kahor inta uusan howsha sii wadin.

Dhanka kale booliska Sweden ayaa sheegay in Momika lagu baarayo inuu abuuray nacayb ka dhan ah koox gaar ah iyo inuu jabiyey mamnuucida dabka.

Hadalsame Media