(Nyon) 29 Juun 2023 – UEFA ayaa meesha ka saartay daldaloolkii u sahlay Chelsea inay hesho waqti ay qaab yaryarayn ugu bixiso £600m oo ay ku kharash gareeyeen suuqa kala iibsiga oo ay ilaa siddeed sano gaarsiiyeen.
Mail Sport ayaa soo werisay horraantii sanadkan in tiro ka mid ah kooxaha heerka koowaad ay Chelsea ku eedeeyeen inay isku dayayso inay khiyaamayso shuruucda dhaqaale wanaagga Financial Fair Play iyagoo isticmaalaya lacag yarayn xeeladaysan – kaddib markii Mykhailo Mudryk uu kulasoo biiray £88m oo gini heshiis sideed sano iyo bar ah.
Si kastaba ha ahaatee, UEFA ayaa haatan xaqiijisay in kooxuhu ay kaliya ku bixin karaan qiimaha ciyaartooyga ugu badnaan shan sano – xitaa haddii ay saxiixeen heshiis intaa ka dheer, taasoo ka dhigan inay kooxdu laacibka ka saxiixi karto 8 sano laakiin aan laga yeelayn inay lacag bixinta u qaybiso 8 sano.
Si kastaba ha ahaatee sharcigan dib looma celin doono, sidaas darteed qandaraasyada muddada dheer ee Chelsea ama koox kale ay horay u saxiixday, ma saameyn doono go’aankani.
Bayaan lagu soo qoray bogga rasmiga ah ee UEFA ayaa lagu sheegay: ‘Yaryaraynta lacagta ciyaartooyda lagusoo gatay waxa ay ku koobnaan doontaa shan sano oo qura si loo hubiyo in si siman loola dhaqmo dhammaan naadiyada loona wanaajiyo hannaan dhaqaale oo shaqayn kara.
Hadalsame Media