(Taipei) 29 Juun 2023 – Maraakiib iyo diyaarado laga leeyahay dalka Taiwan ayaa loo diray si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa laba markab oo laga leeyahay dalka Ruushka oo lagu arkay maraya xeebaha bari ee Taiwan, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee jasiiradda Taiwan.
Waxa kale oo la howlgeliyey hababka gantaalaha dhulka yaalla, ayay Wasaaradda Gaashaandhiggu ku dartay.
Labada markab oo ah nooca frigates waxa ay “marayeen koonfurta ilaa waqooyi ee biyaha xeebaheenna bari” ilaa 11pm xiliga maxalliga ah (3pm GMT), ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda.
Maraakiibta dagaalka ee Ruushka ayaa la sheegay inay u shiraacanayeen jihada magaalada dekedda ah ee Suao, taasoo ah magaalo wayn oo Taiwanese ah oo uu ku yaallo saldhig ay leeyihiin Ciidanka Baddu.
Ma aysan sheegin inta ay maraakiibta dagaalku ka fogaayeen ama u jireen xeebaha Taiwan.
Hadalsame Media