(Manchester) 29 Juun 2023 – Scotland ayaa waxay hollin doontaa inay dib ugu biirto Midowga Yurub haddii ay xornimadeeda ka qaadato Boqortooyada Ingiriiska, sida uu sheegay Wasiirka Koowaad ee Humza Yousaf oo waraysi bixiyey.
Gobolkani wuxuu ku biraysnaa codeeyntii UK ee aftidii 2016-kii, laakiin, kaddib xaqiiqooyinka dhibka badna ee Brexit uu u keenay Britain, Scots-ku waxay dib u soo cusboonaysiiyeen doonistooda inay xiririka u jaraan London iyo inay ku faraq xirtaan Brussels jeer Edinburgh ay doonayso inay ka taliso mustaqbalkeeda siyaasadeed, sida uu yiri Yousaf.
“62% Scotland waxay u codeeyeen inay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub 2016-kii,” Yousaf ayaa sidaa u sheegay Politico waraysi shalay la daabacay. “Laakiin nasiib darro waxaa nalaga saaray Midowga Yurub.”
Yousaf, hoggaamiyaha xisbiga Scotland ee National Party (SNP) kaas oo lagu riixay xilka ugu sarreeya xisbiga kaddib codbixin deg deg ah loosoo agaasimey kaddib markii Nicola Sturgeon ay si lama filaan ah uga degtey Wasiirka Koowaad horraantii sanadkan, ayaa caddeeyey rabitaankiisa ah inuu xoojiyo taageerada aftida 2-aad ee madaxbanaanida ay doonayso Scotland.
Yeelkeede, tiiyoo ay jirto rabitaanka ay Scotish badani ay u qabaan codbixin madaxbannaani labaad wax ka yar toban sano, misna, tallaabo kasta oo sidaas lagu sameeynayo waxay u baahan tahay ogolaanshada London. Taasina uma muuqato inay hadda soo dhowdahay.
Hadalsame Media