Koobka Europa Conference League oo magaca laga bedelayo 2 sanadood uun kaddib bilowgiisa + Goorta?

0

(Nyon) 29 Juun 2023 – UEFA ayaa qarka u saaran inay badasho magaca tartankooda seddexaad ee Yurub ugu wayn koox ahaan wax ka yar laba sano kaddib abuuritaanka Europa Europa Conference League.

Koobkan waxaa la aas aasay 2021-kii, kooxda Jose Mourinho ee AS Roma ayaana waxay ahayd kooxdii ku guulaysatey koobkii ugu horreeyey ee Yurub, taasoo ujeeddadeedu tahay in kooxuhu ay helaan waddo kale oo ay ugu soo baxaan Europa League, iyo sidoo kale koob iyo mudnaan.

Mourinho waxa uu qiimo aad u badan ku helay inuu noqdo tababarihii ugu horreeyey ee ku wada guulaysta dhamaan saddexda tartan ee Yurub, waxa uuna wada qaaday saddexda koob ee Champions League, Europa League, iyo Europa Confrence League, taasoo aan sahlanayn.

Haatan, waxaa la sheegay in laga bilaabo xilli ciyaareedka 2024-25, tartanku uu tuuri doono magaca ‘Europa’ si uu u noqdo UEFA Conference League oo qura, si uu u noqdo tartan kaligii taagnaan kara.

Hadalsame Media