(Stockholm) 28 Juun 2023 – Booliiska dalka Sweden ayaa fasaxay banaanbax ka dhici doona magaalada Stockholm kaasoo dadka u ololaynayaa ay ku doonayaan inay ku gubaan kitaabka Qur’aanka maalinta koowaad ee ciidda wayn ee Muslimiinta ee Ciidul Adxaa.
Ficilladan oo kale ayaa mar horeba kiciyay caradii Turkiga, iyadoo Ankara ay ka digtey in ficillada noocaas ihi ay caqabad wayn ku noqon doonaan ansixinta ku biiritaanka dalkan dhaca Woqooyiga Yurub ee doonaya xubinnimada NATO.
Tuskiga ayaana isla arrintan ka jawaabey iyadoo Wasiirka Dibadeedka Turkigu ee Hakan Fidan uu furka ku xooray nidaamka Sweden ee arrintan rukhseeyey. Wuxuu Twitter kusoo xarriiqay sidatan:
“Waxaan cambaaraynayaa falkan foosha xun ee ka dhacay Sweden oo ka dhan ah kitaabkeena sharfan ee Qur’aanka kariimka ah. Waa wax aan la aqbali karin in la oggolaado ficilladan oo la tixraaco xorriyadda hadalka,” ayuu Fidan ayaa ku soo qortay Twitter waxayna sii wadataa:
“In loo dulqaato falalkaas foosha xun waa in dembiga qayb laga yahay.”
Mübarek Kurban Bayramı’nın ilk gününde Kutsal Kitabımız Kur’an-ı Kerim’e yönelik #İsveç’te yapılan aşağılık eylemi lanetliyorum!#İslamkarşıtı bu eylemlere ifade özgürlüğü bahanesiyle izin verilmesi kabul edilemez.
Bu tarz menfur eylemlere göz yummak suça ortak olmaktır.
— Hakan Fidan (@HakanFidan) June 28, 2023
Ninka sheekadan ka dambeeya waa Salwan Momika oo ah 3-jir ayaa ka yimid dalka Ciraaq, kaasoo booliiska ka helay rukhsadda gubitaanka 13.30, weliba albaabka masjidka Stockholms ee ku yaalla Medborgarplatsen bartamaha Stockholm, wuxuuna aad u dhaleeceeynayaa Islaamka isagoo adeegsanaya gubista Kitaabka Qur’aanka.
“Waanu gubi doonaa Qur’aanka. Waxaan dhihi doonnaa: Iswidhaneey ka kaca. Halkani waa dimoqraadiyad. Khatar bayna ku jirtaa haddii ay yiraahdaan sidan ma samayn kartaan”. ayaa ka mid ahaa erayo uu Salwaan iskaga iibinayo dadka Islaamka neceb.
Intii lagu guda jiray qaybta hore ee kulanka, waxaa goobta yimod ilaa 200 oo xubnood oo ka tirsan daawadayaasha, kuwoo ay ku jiraan warbaahintu, sida uu sheegay booliisku. Waxaa goobta laga qabtay nin isku dayey inuu dhagax tuuro Salwaan.
Waxaa sidoo kale meesha yimid Muslimiin isku dayey inay qaab silmi ah iyaguna isu muujiyaan, waxaana ka mid ahaa Husam el-Gomati oo ah nin 35-jir ah, kaasoo saxaafadda u sheegay inuu arrintan aad uga caraysan yahay balse aanu cunfi adeegsan doonin, isagoo dadka u qaybiyey nacnac iyo macmacaan uu kasoo bixiyey ilaa 600 oo karoon.
DACWAD LA GUDBIYEY – Booliiska ayaa xaqiijiyey inay soo gaartey dacwad ka dhan ah ninka kitaabka gubey saacaddu markii ay ahayd 15:15, waxaana lagu haystaa dembiyo ciwaankoodu yahay inuu samaynayo nacayb ka dhan ah dad gaar ah, inuu kicin samaynayo maadaama uu falkiisa xun la doontay meel masjid ah xilli Ciid ah iyo inay khalad tahay adeegsiga gubniinka.
Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media