(New York) 28 Juun 2023 – Golaha Ammaanka ee QM ayaa Talaadadii shalay ansixiyey qaraar lagu kordhinayo oggolaanshaha Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) muddo lix bilood ah, illaa iyo 31-ka Diseembar, 2023-ka.
Qaraarka tirsigiisu yahay 2687, oo ku guulaystey taageerada wadajirka ah ee 15-ka xubnood ee golaha, ayaa ka codsanaya ATMIS inay mudnaanta siiso saddex howlood oo kala ah:
Joogtaynta awood-siinta taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya si loo xaqiijiyo kala-guur waari kara, taageeridda howlgallada ay Soomaaliya hormuudka ka tahay ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo u diyaargarowga dhimidda ciidankeeda iyo ka bixitaankeeda Soomaaliya sidii loo qorsheeyey.
Qaraarka ayaa ogolaanaya in wejiga 1-aad la dhimo 2,000 oo askari marka la gaaro Sebtember 30, 2023, iyadoo deeto la dhimayo 3,000 oo kale marka la gaaro Diseembar 31, 2023.
Qaraarkan tirsigiisu yahay 2687 waxa uu ka codsanayaa Midowga Afrika iyo Dowladda Soomaaliya warbixin cusub Sebtember 15, 2023, TAASOO ku saabsan u diyaar garowga dhimista wejiga 2-aad.
Qaraarka ayaa xaqiijinaya in Golaha Ammaanku uu diyaar u yahay inuu dib u eegis ku sameeyo xowliga dhimista iyadoo la eegayo wixii soo kordha ama soo cusboonaada, taasoo ka dhigan in la eegi doono duruufta ammaan oo markale lasii kordhin karo muddada.
Dad badan ayaa qaba in DF Somalia aysan weli diyaar u ahayn inay si buuxda ula wareegto ammaanka guud ee dalka, iyadoo aan dadaallo badan oo wax ku ool ah laga samaynin dhinaca qorshaha dhismaha iyo qalabaynta ciidanka Somalia.
Hadalsame Media