(Hadalsame) 27 Juun 2023 – Wuxuu yiri ” waxaan baadari ka ahaa kaniisad ku taalla South Africa. Waxaa kaniisadda ku xirnaa dad gaaraya boqol kun oo qof. Kaniisaddaas ayaan madax ka ahaa ilaa aan arkay riyo.
Anigoo jiifa qol aad u yar oo kaniisadda ku yaalla ayaan maqlay cod. Wuxuu codku lahaa u sheeg xertaada in ay xirtaan dharka cadcad ee Muslimiinta. Waxaan dhahay Muslimiinta? Tani waa iska riyo.
Mar kale ayaan codkii maqlay. Ugu dambeyn codkii waa isa soo taray. Markaan kaniisaddii ayaan aaday. Waan u tegay oo dadkii u sheegay. Ma ogtahay sida uu Allah arrintii u fududeeyay. Iyagii oo dhan way islaameen. Kulankii xigay dhammaantood waxay xirnaayeen dharka cadcad. Guud ahaan islaamka ayay qaateen.
Saddex bil ka hor kaniisadda dhexdeeda ayaan uga dhawaaqay shahaadateynka. Kummanaan cod oo ashahaadanaya ayaa iga daba dhahayay wixii aan dhaho. Kadib waxaan arkay walaal Muslim ah oo igu soo socda. Waxaan ku dhahay waan ku sugaayay oo riyada ayaan ku arkay in aad ii imaan doontid.
Markii ay ii sheegeen Xajka ayaad aadee; waxaan u qaatay kaftan. Markii la gaaray waqtigii safarka waxaan ku lahaa ma igu kaftameysaan. Nebiga CSW markii uu halkaan oo ah Jabalu Nuur imaanayay wuxuu ahaa keligiis. Hadda waxaan aniga raacayaa raadkii Nebiga. Waxaan aamminsanahay in imaanshahayga halkaan uu horseed u noqon doono malaayiin Koofur Afrikaan ah in ay soo islaamaan”.
Waa qisada Ibraahim Richmond oo South African ah.
وَإِذَا سَمِعُوا مَا أُنزِلَ إِلَى الرَّسُولِ تَرَىٰ أَعْيُنَهُمْ تَفِيضُ مِنَ الدَّمْعِ مِمَّا عَرَفُوا مِنَ الْحَقِّ ۖ يَقُولُونَ رَبَّنَا آمَنَّا فَاكْتُبْنَا مَعَ الشَّاهِدِينَ.
W; T: Akhwaaw Jidhi
Hadalsame Media