(Paris) 27 Juun 2023 – PSG ayaa ku wargelisay Kylian Mbappe inay diyaar u yihiin inay iibiyaan weeraryahanka xagaagan.
Le Parisien ayaa qoraya in maamulka PSG aysan meesha ka saarayn in Mbappe loo ogolaado in uu qandaraaskiisa dhammeeysto kaddib markii uu iyaga ku wargaliyey – isagoo adeegsanaya warqad – in aanu ku darayn 12 bilood oo dookh ahaan lagu kordhin karo qandaraaskiisa.
PSG waxa ay go’aansatay inay iska iibiso weeraryahankan bilaha soo socda waxaana ay ku wargalisay wakiilkiisa iyo hooyadii Fayza Lamari inay go’aan deg deg ah ka rabaan wiilkeeda kaasoo ku saabsan naadigiisa xiga.
PSG ayaa waxa ay dalban doontaa €200m oo euro si ay u iibiso weeraryahankan, iyadoo Real Madrid ay ugu cadcaddahay saxiixa xiddigga heerka caalami ee dalka Faransiiska.
Sidoo kale waxaa cayrsanaya Chelsea, Manchester City iyo Manchester United. Mbappe ayaa hadda qandaraas kula jira PSG ilaa 2024.
Hadalsame Media