(Hadalsame) 27 Juun 2023 – Ma Dhammin Ee Dharka Ha Dhigan!
Christano Ronaldo, waa ciyaaryahan caan ah oo 5 jeer qaadey laacibka dunida. wuxuu ka mid yahey dadka ugu caansan, looguna raacashada badanyahey baraha warbaahinta Bulshada. Luuqadda Portuguese-ka, ayuu ku hadlaa, Spanish iyo English-kana wuu jajabsadaa.
Sababaha uu ku heley malaayiinta ku xiran barahiisa Warbaahinta Bulshada, waxaa ka mid ah:
1) Isaga oo caan ah, dad baddanna ay kaliya, muuqaalkiisa, farsamooyinkiisa iyo dhaqdhaqaaqyadiisa kale, daawadaan;
2) Afkiisa oo ay ku hadlaan in ka badan 260m;
3) Afafka kale ee uu ku hadlo oo siinaya dad badan oo ka raacda baraha warbaahinta bulshada.
Khama Lamme waa wiil talyaani ah, asaalkiisuna ka soo jeedo dalka Senegal. Afka Senegalese-ka iyo Italian, ayuu ku hadlaa. Wuxuu ka mid yahey dadka ugu caansan, uguna raacashada badan, Baraha Warbaahinta Bulshada.
Sababta uu ku heley, in Malaayin dad ah ay ku xirmaan, waxaa ka mid ah:
1) Afafka Italian iyo Senegalese-ka oo marka la isku daro, ay in ka badan 80m ku hadlaan;
2) Muuqaalada uu sameeyo ee aan codka laheyn, kuwaas oo qof kasta oo arag leh uu fahmi karo, daawan karana. Taas ayaa ka dhigan, in todobada bilyan ee dunida ku nool, ay fahmi karaan, muuqaaadiisa jilista ah ee aan faham luuqad u baahneyn.
Soomaalida waxaa lagu qiyaasaa, Labaatan Milyan, waxaana baraha Warbaahinta Bulshada isticmaala 10% oo u dhigantan laba milyan.
Adigoo oo Soomaali ah, canjeelada guriga hooyadaa ka cuna, shillinna heyn, qofina ku aqoon, laga yaabo inaaad baadiye ka timid, haddaad raadiso in ay malaayiin dad ah kugu xirmaan, waa inaad waalataa marka hore.
Marka aad ku dhufato, bilaawdana in aad xubnahaaga maalinba mid soo sawirto, si aad indho u soo jiidato, kaddibna, ay kaa dhamaadaan, illeen xubnaha aadanuhu way kooban yihiine, maxaad noo soo sawiri doontaa?
Dhinaca kale, malaayiinta aad raadineyso, ma heli kartid, maxaa yeeley, waxaa ku saameynaya, Qabyaaladda, aragtida, siyaasadda, deegaanka, lahjadda, dhaqanka, iyo waxyaabo kale.
Walaalow/walaaley, adiguna cuqdad ha is gelin oo tiro aan jirin ha ku tashan, innagana hana danbaajin ee xisaabtan. Boqolaalka aad heyso iimaanso oo wax xikmad leh u sheeg iyaga. Inta kula joogta oo aan qanacsaneyn, ha raadin in kale ee iyaga qanci.
Ganacsatada Soomaaliyeed iyo dowladaha Somalia, waxaan ka codsanayaa, in shaqooyin loo abuuro, xaaladdooda lala socdo, dhalinyarada ku sii habaabeysa baraha Warbaahinta Bulshada.
Haddii taas la diido, madaxda iyo ganacsatada ilmahooda ayey ka jari doonaan, sidey maalinba xubin u tusayaan, markaas ayey ka dhici doontaa, “Aabe i tus!”
W; D: Maxamed Aadan Koofi
Hadalsame Media