(London) 27 Juun 2023 – Sawirka Kai Havertz oo xiran funaanadda Arsenal ayaa u muuqda in lagu faafiyey Twitter-kahor inta aanu u dhaqaaqin Gunners.
Kooxda Mikel Arteta ayaa ku dhow inay Havertz kala soo wareegto kooxda ay ku xafiiltamaan London ee Chelsea oo ay ka siisanayaan £65milyan oo gini.
Sawirka ayaa muujinaya Havertz oo dhoollacadeynaya isagoo xiran maaliyada cusub ee Arsenal ee xilli ciyaareedka soo aaddan ee 2023-24.
Waxaa la filayaa in xiddigga heerka caalami ee dalka Jarmanku uu noqon doono saxiixii ugu horreeyey ee Arsenal ee xagaagan.
Inkasta oo Havertz uu Chelsea kusoo qaatay waqtiyo adag, misna Arteta waxa uu qiimeeyaa wax-qabadkiisa, iyadoo 24-sano jirkan loo adeegsan karo weerarka, khadka dhexe ee weerarka xiga iyo dadabka weerarka.
Hadalsame Media