Dal NATO ka tirsan oo si rasmi u bilaabay inuu Ukraine u tababaro duuliyeyaal wadaya miigagga F-16

0

(Hadalsame) 27 Juun 2023 – Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Denmark, Troels Lund Poulsen, ayaa Isniintii sheegay in dalkaN NATO ka tirsan uu billaabay tababaridda duuliyayaasha Ukraine si ay ugu shaqeeyaan diyaaradaha dagaalka ee F-16.

Waxa kale oo magaalada Copenhagen haatan ka socda dood ku saabsan in qaar ka mid ah diyaaradahooda millateri ee F-6 loogu deeqo Kiev.

Lund Poulsen, oo ahaa Wasiirka Difaaca KMG ah ee dalkan Scandinavian-ka ah tan iyo bishii Febraayo, ayaa sheegtay in Danmark “ay qaaday tillaabo ah ay ku tababarayso duuliyayaasha Ukraine,” sida uu sheegay DR.

”Waxa aanu sidoo kale ka fiirsan doonnaa, in aanu deeq la taaban karo u samayno Ukraine taasoo ay ka mid tahay inaan siinno diyaaradaha Danish-ka ee F-16, iyo inta aan siinayno tiro ahaan.” ayuu raaciyey.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Denmark ayaa sidoo kale sheegay in gebi ahaanba ay ka dallici doonaan 30 diyaaradood oo F-16 ah, oo markii hore la qorsheeyey in laga wareego 2027, laakiin haatan laga dhigay 2025-ka.

Waxaana Denmark ay ku beddeli doontaa 27 xabbo oo ah diyaaradaha casriga ah ee F-35. Qorshaha bedelku waxa uu bilaaban doona dabayaaqada 2023-ka.

Hadalsame Media