(Nairobi) 26 Juun 2023 – Wadahadallo nabadeed oo lagu xallinayo dagaalka Ukraine ayaa bilaaban kara horraanta bisha soo socota ee Luulyo, sida uu baahiyey TV-ga Jarmanka ee ARD. Sida laga soo xigtey warbaahintan, saraakiil sarsare oo ka kala socda dalal badan oo caalamka ah ayaa todobaadkii hore shir ku yeeshay caasimadda Denmark ee Copenhagen, si ay uga wada hadlaan arrintan.
ARD ayaa sheegtay in La-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka ee Jake Sullivan uu ka mid ahaa madaxdii goobta joogtey. Sida laga soo xigtey ARD, ujeeddada ugu wayn ee isu imaatinka ayaana ahayd sidii loo heli lahaa taageerada dalalka ‘dhex-dhexaadka ah’ sida Shiinaha, Hindiya, Brazil iyo Koonfur Afrika.
Kulankaas oo ahaa mid heerkiisu sarreeyo ayaa ka dhigan tillaabo wayn oo horay loogu qaaday dhanka wada-xaajoodyo nabadeed ee dhab ah, ayay tiri ARD. Iyadoo soo xiganeysa xafiiskeeda Brussels, waxayna ku dartay in wada-hadalladu ay furmi karaan horraanta bisha Luulyo.
Dhanka kale, Khamiista lasoo dhaafay, Financial Times ayaa sheegtay in Sullivan, oo ay weheliso sarkaalad sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Victoria Nuland, ay hoggaamin doonto “weerar diblomaasiyadeed” kaddib codsi ka yimid Ukraine.
Ujeedada laga lahaa tillaabadaasi waxay ahayd inay ku qanciyaan awoodaha ‘Koonfurta Caalamku’ inay hoos u dhigaan xiriirkooda Ruushka.
Yeelkeede, saraakiishu kumay kalsoonayn inay guulaysanayaan, sida FT sheegtay. Wargaysku wuxuu soo xigtay sarkaal reer Yurub ah oo magaciisa la qariyay in “adduunka intiisa kale aysan ku qanacsanayn” mowqifka reer Galbeedka. Taas ayaa keentay inay haatan raadiyaan xal nabadeed.
Todobaadkii tegey, warqaadka Le Monde ayaa qoray in Dowladda Faransiiska laga yaabo inay isku daydo inay Kiev keento miiska wada xaajood ay la gasho Ruushka iyadoo siinaysa taageero ay marka dambe kula biirito NATO markii uu khilaafku dhammaado.
Hadalsame Media