(Washington, DC) 25 Juun 2023 – Kacdoonka la hakiyey usbuucan ee qandaraaslaha millateriga Ruushka ee PMC Wagner Group ayaa laga yaabaa inuu keeno xasillooni darro wayn oo qabsata Dowladda Madaxwayne Vladimir Putin oo ku jihaysnaa dagaalka Ukraine taasoo haatan fursad ka heli karta khilaaf gudeedka Moscow, sida uu qabo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Antony Blinken.
“Waxay muujinaysaa dildilaacyo dhab ah. Ma qiyaasi karno ama ma ogaan karno halka ay taasi aadi doonto. Waan ognahay in Putin uu haysto wax badan oo uu ka jawaabo toddobaadyada iyo bilaha soo socda,” ayuu yiri Blinken oo la hadlayey Barnaamijka Face the Nation ee CBS News.
Faallada Blinken ayaa muujinaysa fal-celinta ka badbadiska ah ee Maamulka Madaxwayne Joe Biden tan iyo markii Wagner uu Jimcihii ku fallaagoobay hoggaanka millateriga Ruushka. Xitaa markii uu asaasaha shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner, Evgeny Prigozhin, uu ogolaaday inuu joojiyo kacdoonkii Sabtigii, iyadoo la raacayo heshiiska Kremlin-ka kaasoo dhigaya inuu dalka ka tago si uu uga badbaado in dacwad lagu soo oogo.
Blinken ayaa u sheegay CBS: “Waxaan arrintan ula soconnaa si dhow oo taxadar leh, laakiin kaliya in yar istaag oo eeg macnaha guud,” ayuu yiri.
Blinken ayaa u sheegay martigeliyaha barnaamijkan CBS ee Margaret Brennan. “Lix iyo toban bilood kahor, ciidamada Ruushku waxay ku sugnaayeen albaabka Kiev ee Ukraine, iyagoo u malaynaya inay magaalada ku qabsan doonaan maalmo gudahood, iyagoo ay la tahay inay Ukraine ka tirtirayaan khariidadda adduunka.
”Hadda dhammaadkii usbuucan, waxay noqotay inay difaacaan Moscow, caasimadda Ruushka, iyagoo kasoo horjeeda calooshood u shaqaystayaal uu sameeyay Putin.” ayuu raaciyey Blinken oo diganaya.
Hadalsame Media