MW Ruushka oo 2 farood u taagey kooxda Wagner & Dal uu u sheegay inay aadi karaan

0

(Moscow) 26 Juun 2023 – Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa laba kala doorransiiyey askarta shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner ee ku lug lahayd fallaaganimadii hubaysnayd ee Sabtigii dhacday.

Waxa uu sheegay inay heshiis la saxiixan karaan Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ama hay’adaha kale ee amniga, ama ay kusoo laaban karaan waddankooda Ruushka iyagoo shacab ah ama waxay u guuri karaan dalka deriska la ah ee Belarus, sida uu sheegay hoggaamiyaha Ruushka oo khudbad uu jeediyey laga sii daayey telefishanka.

“Inta badan dagaalyahannada iyo taliyayaasha kooxda Wagner ayaa sidoo kale ah waddaniyiin Ruush ah, oo u heellan dadkooda iyo dalkooda. Waxay arrintan geesinimadooda ka caddeeyeen goobta dagaalka,” ayuu Putin ku yiri khudbaddiisa fiidnimadii Isniintan.

Abaabulayaasha kacdoonku “waxay ka qariyeen wixii socdey waxayna isku dayeen inay u adeegsadaan walaalahooda ka tirsan ciidanka, kuwaas oo ay dhinaca isku hayeen iyagoo u dagaallamaya danta dalka iyo mustaqbalkiisa,” ayuu yiri.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa u mahadceliyey askarta iyo taliyayaasha Wagner, kuwaas oo weerarka “joojiyay daqiiqaddii ugu dambeeysey” si loo baajiyo “dhiig daata”. Waxa uu intaasi ku daray in la ilaalin doono ballanqaadkii uu sameeyey intii ay socdeen waanwaanta lagu xalinayey xiisadda.

“Waxaad haysataan fursad aad qandaraas kula saxiixataan Wasaaradda Difaaca iyo hay’adaha kale ee sharci fulinta ama aad ugu noqotaan qoyskiinna iyo asxaabtiinna. Qof kasta, oo doonaya, wuxuu sidoo kale aadi karaa Belarus.” ayuu yiri Putin, oo la hadlayey xubnaha shirkadda gaarka ah ee hubaysan.

Hadalsame Media