Kenya masii joogaysaa xitaa kaddib bixitaanka ATMIS? MW Kenya oo arrintaa moowqif cad kasoo saaray

0

(Nairobi) 26 Juun 2023 – Madaxwayne William Ruto ayaa tilmaamay in ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya laga yaabo inay halkaas ku sii sugnaadaan wax ka badan xitaa kaddib jadwalka dhimista ATMIS.

Ruto ayaa sheegay in dalalka safka hore ee Kenya, Uganda, iyo Itoobiya ay go’aansadeen inay sii joogaan muddada loo qabtay kaddib si aysan u lumin guulaha la gaarey.

“Waxaan go’aansannay haddaan nahay dalalka safka hore – Uganda, Kenya, Sudan – inaan kusii jirno qorshahan, haddii loo baahdo, waxaanan u aragnaa inay lama huraan tahay inaan dhaafno jadwalka dhimista si aynaan lumin guushii la gaarey.”

“Aad ayaan u mowqif cadnahay, waxaana farriin adag u diraynaa al-Shabaab oo aan leenahay nagama celin kartaan guulihii aan gaarney labadii sano ee la soo dhaafay.” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay isku dayayso inay dib isu soo celiso kaddib markii ay bilaabato ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) si ay u abuuraan fikrad ah in ay la wareegi doonaan gobolka.

Ruto ayaa hadalkaasi ku sheegay Waraysi uu siiyey Telefishinka France 24, waxa uuna wacad ku maray inay ka hortagi doonaan Kooxdaasi argagaxisada ah, sida uu qoray The Star.

Hadalsame Media