XOG SIRDOON: Madaxda Maraykanka oo la sheegay inay wax ka ogaayeen weerarkii Wagner Group

0

(Washington, DC) 25 Juun 2023 – Laamaha sirdoonka Maraykanka ayaa si wayn u tuhunsanaa in Evgeny Prigozhin uu qorshaynayey tillaabo weyn oo ka dhan ah Dowladda Ruushka, maalmo kahor inta uusan madaxa Wagner ku amrin ciidamadiisa inay socod ku tagaan Moscow, sida uu faafiyey New York Times, isagoo soo xiganaya ilo wareedyo hoose.

Sida laga soo xigtey saraakiil Maraykan ah oo aan magacooda la shaacin oo uu wargaysku waraystay, maamulka Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden iyo taliyayaasha ciidamada ayaa looga warbixiyey diyaargarowga Wagner subaxnimadii Arbacadii.

Tafaasiil dheeraad ah oo soo baxday ayaa waxa lagu sheegay in Khamiistii la qabtay kulan kale oo xog-siin ah oo ay ka qaybgaleen rag ka tirsan Kongarayska.

Xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay habeenimadii Jimcaha, markii Prigozhin uu ku eedeeyey Wasaaradda Difaaca Ruushka inay gantaallo ku garaacday xerada Wagner, wuxuuna wacad ku maray inuu ka aargoosan doono.

Wasaaraddu way beenisay eedaymahaas, waxayna ku eedaysay inuu samaynayo wax ay ku sheegeen “daandaansi xogeed.”

Saacadihii xigey, ciidamada Wagner waxay qabsadeen xarumo ciidan oo ku yaal koonfurta Ruushka gaar ahaan Rostov-on-Don, halka Prigozhin uu ku dhawaaqay in ciidamadiisu ay bilaabeen wax uu ku sheegay “socodkii caddaaladda” ayna qorsheynayaan inay gaaraan Moscow, waloow heshiis lala gaarey.

Hadalsame Media