”Waxay tageen meel laga difaacay qarnigii 16-aad” – Aqoonyahanka Galbeedka oo walaac ka muujiyey (Daawo iyaga oo difaacaya Moscow)cududda Ciidamada Muslimka ah ee Axmed

0

(Moscow) 25 Juun 2023 – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Chechnya ee la geeyey magaalada Rostov ee Ruushka si ay uga hortagaan ruuqaansiga kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner ayaa halkaa ka baxaya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee TASS, iyadoo soo xiganaysa taliye ciidan.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Muslimka ah ee Akhmat ama ”Ciidamada Axmed” ayaa ku laabanaya halkii ay markii hore ka dagaallamayeen sida Ukraine, sida ay Wakaaladda Wararku kasoo xigatey taliye Apty Alaudinov.

Yeelkeede, waxaa la sheegay in Ciidamada Gaarka ah ee Axmed ay sidoo kale tageen magaalada Moscow si ay kooxda Wagner uga difaacaan Moscow, waloow haatan ay arrintaasi u muuqato mid la xalliyey.

Waxaase jira in reer Galbeedku aysan gebi ahaanba ku faraxsanayn cududda ciidamadan Muslimka ah ee sidoo kale ka dagaallama Ukraine, sida aan soo sheegnay.

Dr Matthäus Wehowski oo ah taariikhyahan ka tirsan Jaamacadda Jarmanka ee Tübingen, ayaa sidan kusoo qoray boggiisa Twitter-ka, isagoo muujinaya cuqdadda uu u qabo Muslimiinta Tataarka ah ee dagaalyahanka ah, isagoo weliba u sawiraya sidii dad hoos kala jirey kooxda Wagner, laakiin hadda ruwaayad jilaya, marna muujinaya sida uu u diiddan yahay saamayntooda sii kordhaysa.

”Ciidamada Kadyrov kama aysan hor imaan maleeshiyada Wagner, laakiin waxay kasoo muuqdeen Kolomna oo Moscow ka tirsan si ay u sameeyaan muuqaallo TikTok ah.

”Waxaan mar tegey Kolomna oo mar ahayd qalcad lagu difaaco weerarkii ciidamada Tataarka ee qabsan lahaa Moscow qarnigii 16-aad.” ayuu raaciyey isagoo ula jeeda in Ciidamadii Tataarku ay maanta joogaan meel laga difaacay 400 oo sanadood kahor.

Hadalsame Media