Wararkii ugu dambeeyey ee qaaquullooyinka Ruushka & Ukraine oo sheegtay dan ugu jirta

0

(Moscow) 25 Juun 2023 – Dagaalyahannada Wagner ayaa ka baxaya gobolka Voronezh ee koonfurta Ruushka, sida uu sheegay Gudoomiyaha maxalliga ihi, kaddib markii kooxdu ay joojisry kacdoon wayn oo ka dhan ahaa Kremlin-ka.

“Dhaqdhaqaaqii unugyada Wagner ee gobolka Voronezh wuu dhamaanayaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Voronezh ee Alexander Gusev.

Dhanka kale, Wakaaladda Waddooyinka Federaalka ee Ruushka ayaa sheegtay in xannibaadaha jidadka waawayn la qaadayo inta badan marka laga reebo waddada wayn ee M-4 ee gobollada Moscow iyo Tula.

UKRAINE OO DIGANAYSA – Foowdada Ruushku waxay noo tahay faa’iido, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ukraine, xitaa kaddib markii Yevgeny Prigozhin, oo ah aasaasihii ciidanka Wagner, uu sheegay inuu joojinayo wax uu ku sheegay “socodkii caddaaladda” oo uu ku weerari lahaa Moscow kaddib markii uu heshiis la galay Kremlin-ka.

“Foowdo kasta oo ka dhacda meel ka dambaysa furunta cadowgu waxay ka shaqaynaysaa danaheenna.” Ayuu Wakaaladda Wararka ee Ukrinform oo ay dowladda Kyiv maamusho kasoo xigatey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ukraine Dmytro Kuleba.

Hadalsame Media