Muuqaal yaab leh oo ku saabsan arrin uu sameeyey garsoorihii ciyaartii Man City vs Inter oo soo baxay (Daawo)

0

(Hadalsame) 25 Juun 2023 – Muuqaal daaha gadaashiisa oo soo baxay ayaa muujinaya diyaargarow cajiib ah oo uu sameeyey garsoorihii final-ka Champions League ee Szymon Marciniak kahor inta uusan ciyaartaba dhexdhexaadinteeda gelin.

Manchester City ayaa guul taariikhi ah ku gaartey Istanbul, iyadoo goolka madiga ahaa ee keenay Rodri taasoo ka caawisay kooxda Pep Guardiola inay hanato koobkoodii ugu horreeyey ee Champions League, markii ay 1-0 ku garaacday Inter Milan.

Marciniak wuxuu ahaa ninka garsoorayey ciyaartan ayaa horraanba u qabtay sideed kulan oo tartamada Yurub ah xilli ciyaareedkii hore, taasoo ay ku jiraan kulamadii semi-finalkii City ay la ciyaartay Real Madrid.

Marciniak, oo sidoo kale garsoore ka ahaa final-kii Koobka Adduunka 2022 ee dhexmaray France iyo Argentina bishii Diseembar, ayaa la arkayey isaga oo xitaa isu diyaarinaya sidii uu kaararka u bixin lahaa.

Waxaa kaalinayey garsoorayaasha ay isku dalka yihiin ee Paweł Sokolnicki iyo Tomasz Listkiewicz halka garsooraha afaraad uu ahaa Istvan Kovacs oo u dhashay Romania.

Hadalsame Media