Laacib ooyin kal & Laab ah la dhacay markii uu gocday inuu EPL ka aadayo Sucuudiga (Daawo)

0

(Hadalsame) 25 Juun 2023 – Neves wiped away tears in an emotional video posted on the Premier League club’s Twitter account, saying he had made ‘thousands of memories which will last forever’.

Kooxda Wolves ayaa xaqiijisay tegista kabtankoodii Ruben Neves oo ku biiray kooxda Saudi Arabia ee Al-Hilal oo kaga iibsatey lacag rikoor ah oo dhan £47 milyan oo ginni.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal ayaa kooxdiisan u dhaliyey 30 gool 253 kulan oo uu saftay lixdii xilli ciyaareed ee uu joogey Molineux.

Neves ayaa ilmo iska masaxay muuqaal qiiro leh oo lasoo dhigay barta Twitter-ka kooxdan Premier League, isagoo sheegay inuu sameeyey “kumannaan xusuusood oo weligeed waaraya”.

26-jirka ayaa markaas ka caawiyey kooxda Black Country inay labo jeer ku dhamaystaan kaalinta toddobaad laba jeer oo isku xigta dhanka Premier League, marka lagu daro semi-final-ka FA Cup 2019 iyo rubuc-dhamaadka Europa League 2020.

Waxa uu noqonayaa ciyaaryahankii ugu dambeeyey ee magac sare leh ee u dhaqaaqa dhanka Sucuudi Carabiya.

Hadalsame Media