4 arrimood oo muhim ah oo ay ka il-duuftay Maxkamadda Ciidamadu markii ay xukumaysey dadkii dusiyey tacaddigii Turbataariyo

0

(Muqdisho) 25 Juun 2023 – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka SIDA ayaa maanta xukunno ku ridday 3 askari oo lagu helay kiis xasaasi ah oo aad ugu faafay baraha bulshada, tiiyoo  jirdil loo gaysanayo wiil dhallinyaro ah oo weliba biro ku boodayey.

Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) oo Kaamirada Ammaanka ee CCTV laga arkay isago oo jirdil iyo tacaddi u gaysanaya askari hore oo adeeg usoo doontay xarunta Taraafikada ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu xukumay 3 sano oo xabsi ciidan ah, sida ay shaaca ka qaaday Maxkamadda Ciidamadu.

Yeelkeede, tan dareenka shacabka soo jiidatey waa in Maxkamaddu ay sidoo kale xukun 30% oo qura ka yar midka ninka tacaddiga gaystey ay ku riddey laba askari oo iyagu bulshada u dusiyey muuqaalkan ceebaysan.

Waxay kala yihiin Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa kaamirada CCTV, kaasoo la sheegay inuu muuqaalka la wadaagey Cabdullaahi Abuukar Cariif oo ah ninka kusii baahiyay baraha bulshada oo iyana lagu xukumay min 2 sano oo xabsi ciidan ah.

CEEBTA HALKAN KU JIRTA? Marka la eego xeerarka asaasiga ah ee Kaamirooyinka Amaanka oo ay cad yihiin cidda ay tahay in lala wadaago misna waxaaba jira duruufo ay tahay in tixgelin gaar ah la siiyo oo ay Maxkamadda Ciidanku iska indha-tirtay.

1 – Maadaama ay meeshu xafiis dadwayne tahay loomaba baahna in la dusiyo tan oo kale e warbaahinta iyo dadwaynuhu xaq bay u leeyihiin inay Turbataariyo ka codsadaan in la siiyo muuqaalka si ay u arkaan waxa meesha ka socda, iyadoo uusan shilba dhicin. Waxaa arrintaa daboolaya Xeerka Xorriyadda Xogta Dadwaynaha oo ay tahay inuu leeyahay dal kasta oo dimoqraadiyad sheegta.

2 – Dunida dimoqraadiga ihi ma qabsato qofkii dusiyey tacaddi dadwayne ama qof mas’uul ah oo ku tumanaya xilkii loo dhiibey iyo wixii lagu aaminey. Waayo asalku waa ilaalinta danaha dadwaynaha e dowlad iyo hay’ad iskeed u sharfan oo wax kasta oo ay ku dheesho in la ilaaliyo mudani ma jirto. Waxa loo shaqaynayaa waa dadwaynaha dowladduna waa qoowsaare wax kale maaha.

Tusaale, Fadeexaddii caanka baxday ee Watergate waxay keentay inuu is casilo Madaxwayne Richard Nixon ee 1972 ilaa 1974 taasoo keentay in Nixon is casilo, balse in dacwad loo qabsado daaye weriyeyaashii Washingon Post ee Carl Bernstein iyo Bob Woodward waxay noqdeen dad caan ah oo abaalmarinno qaatay.

3 – Kaba dhig in raggani ay muuqaalkan la wadaagi lahaayeen booliiska oo qura, marka la eego heerka liita ee uu taagan yahay isla xisaabtanka hay’aadka Somalia, halkee gaari lahaa muuqaalkaasi? Qof kaasta waa ogyahay in markiiba la tirtiri lahaa sida haatanba loogu jeedo inay ku dhowaad isku xukun yihiin kii tacaddiyey iyo midkii tacaddiga bandhigay si wax looga qabto ama ugu yaraan loo arko.

4 – Meesha wax ka dhacayeen waa wejiga hore ee xafiiska, maxay markaa tahay sirta la baahiyey waayo maadaama uu xafiisku yahay mid dadwayne meesha ay wax ka dhacayeenna ayba ahayd wejigii iyo halkii ay dadwaynuhu galaangalka u lahaayeen maxaa qarsanaa? Tan kale, haddiiba ay meeshaas wax noocaas ihi ka dhici karaan ka warran gudaha hoose ee aysan dadwaynuhu tegi karin?

Maxkamadda Ciidanka iyo guud ahaan hay’aadka DF iyo kuwa maamullada waxaa waajib ah in wacyigooda la dhiso.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media