(Moscow) 24 Juun 2023 – Madaxa kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner ee Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay inuu ciidamadiisa kusii siqaya Moscow amar ku siiyey inay soo noqdaan oo ay dib ugu laabtaan xeryahooda si looga fogaado in dhiig daato.
Horraantii, maamulka Moscow iyo nawaaxigeeda ayaa sheegay inay ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah oo ah “la-dagaallanka argagixisada” kaddib markii Prigozhin uu ku dhawaaqay in ciidamadiisu ay gacanta ku hayaan taliska millateriga Rostov.
Taa biddaalkeeda, kiis dambiyeedkii ka dhanka ahaa hoggaamiyaha kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin, ayaa la tuuri doonaa, sida uu sheegay afhayeenka Kremlin-ka ee Dmitry Peskov.
“Waxaan had iyo jeer ixtiraami jirney falalkooda geesinimada leh ee dagaalka safka hore.” ayuu yiri.
Madaxa ciidamadan calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner, Yevgeny Prigozhin, ayaa u tegi doona Belarus sida uu dhigayo heshiis uu garwadeen ka ahaa Madaxwaynaha Belarusia ee Alexander Lukashenko si loo soo afjaro amar diiddada hubaysan ee Prigozhin uu u horseeday ee ka dhanka ah hoggaanka millateriga Ruushka, sida uu sheegay Kremlin-ku.
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa goor dhowayd sheegay in Lukashenko uu usoo bandhigay inuu dhexdhexaadiyo labada dhinac, taasoo uu aqbalay Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin, sababtoo ah wuxuu Prigozhin u yaqaanney shakhsi ahaan muddo 20 sano ah.
Dhanka kale, Madaxwaynaha Ukraine ee Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in kacdoonka ay wadaan ciidamada calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner ee Ruushka uu kashifay fowdada gebi ahaanba ka jirta dalkaasi.
“Maanta, dunidu waxay aragtay in madaxda Ruushku aysan waxba xukumin. Waxba haba yaraatee. Waa fowdo dhamaystiran. Ma aha wax la saadaalin karo. ”Zelenskyy ayuu yiri isagoo ku diganaya nin u darnaa.
Hadalsame Media